Odayaasha Dhaqanka Baydhabo oo si kulul uga hor yimid xayiraadii Sheekh Shariif

Magalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay waxaa galabta kulan ku yeeshay qaar ka mid ah Odayaasha & Waxgaradka Magaaladaas, iyaga oo kulankooda ku cambaareeyay tallaabadii ay dowladda Somalia ku xayirtay Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Qaar ka mid ah Odayaasha oo kulanka ka hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in Sheekh Shariif uu yahay Odey Soomaaliyeed oo nabadoon ah aadna u dulqaad badan, iyaga oo nasiib-darro ku tilmaamay tallaabadii lagula dhaqmay.

“Waa nasiib daro aad uweyn Madaxweyne Farmajo inuu ka xishoon waayo ninkii asaga Mareykanka kakeeney oo Raisul Wasaare kadhigey waxay cadeyn utahay inuu dalkaan rabo inuu ku hogaamiyo wixii shaley ay Somali isku dagaashey lagamana yeelaayo taasi ” ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka Baydhabo.

Ugu dambeyn Odayaasha ayaa sidoo kale waxaa ay sheegeen inay qaateen raali gelintii uu Madaxweyne Shariif u sameeyey reer Koonfur Galbeed taas oo ku aadaneyd hadal uu yiri laakin si kale loo fasiray.

www.somalitopnews.com

www.Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *