UK oo ka digtay in Soomaaliya loo soo safro

Dowladda Ingiriiska ayaa soo saartay digniin dhinaca amaanka ah oo ay u dirtay dadkeeda daneynaya in ay u safraan Soomaaliya.

Xafiiska arrimaha dibadda UK ayaa sheegay in Soomaaliya ay wali qatartahay islamarkaana afduubka iyo qaraxyada ay suuragal ka tahay gudaha Soomaaliya.

Muwaaddiniinta UK ee aan muhiimka u ahayn safarka Soomaaliya ayaa la sheegay  isaga baxaan Soomaaliya kuwa muhiimka u ahna waxaa loo oggolyahay kaliya in ay tagaan Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Dowladda UK.

Qoraalka ka soo baxay Dowladda UK ayaa lagu sheegay in kooxaha argagixisada ah ay qorsheynayaan weerarro argagixiso iyo afduub ay kula kacaan Ajaanibta ay ka midka yihiin dadka Britishka ah.

Sidoo kale Dowladda UK ayaa muwaaddiniinteeda ku wargelisay in adeegyada Qunsuliyadaha ka raadsadaan Kenya iyo Itoobiya maaddaama Safaaradda UK ee Muqdisho aysan bixin adeegyada Qunsuliyadaha.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *