Fahad Yaasiin oo xilka ka qaaday saraakiil katirsan dowladda oo Sheekh Shariif ku booqday hoygiisa

Warar kala duwan ayaa kasoo baxayo xil kaqaadis lasheegay in lagu sameeyay xubno Katirsan Hay’ada Sirdoonka Qaranka Somaliya

Sida aan Wararka ku helnay Amar ka soo baxay taliyaha hey’adda nabad sugidda Soomaaliya Fahad Yaasiin ayaa xil kaqaadis ku sameeyay Col. Cali Khadar iyo Ibraahim Macalin oo kawada tirsanaa Saraakiisha Hay’adda NISA

Labadan Sarkaal ee xilka laga qaaday ayaa lagu eedeeyey inay gurigiisa ku booqdeen Madaxweynihi hore ee dalka Shariif Sheekh Ahmed oo khilaaf siyaasadeed uu kala dhaxeeyo Dowlada Dhexe.

Majirin wax digniin ah Kahor Xil ka qaadista saraakiishan, horeyna looguma sii sheegin inay dambi tahay in la booqdo Madaxweyne hore sida ay kucawdeen xil kaqaadista kadib.

Col. Cali Khadar ayaa ahaa Taliyaha hogaanka arrimaha dibadda ee hey’adda Nabad Sugidda Qaranka halka Ibrahim Macallin uu ahaa Taliyaha sirdoonka Caasimadda Muqdisho.

Xiisada udhaxeysa Madaxdii hore iyo Hogaanka Dowlada ayaa hawada isku sii shareereysa tan iyo markii Shariif Sheekh Axmed Laga baajiyay Diyaarad uu uraaci lahaa Magaalada Kismaayo halkaasi uu doonayay in uu kaga qeyb kalo Caleema saarka Madaxweynaha aysan Dowlada aqoonsaneen Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

www.Somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *