Ciidamada dowladda oo toogtay Shabaab miino ku aasayay deegaanka Gololey

Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegay in ay toogasho ku dileen Nin ay sheegeen in uu Miino ku aasayay duleedka degaanka Gololey oo 10km u jira Degmada Balcad.

Korneyl Cali Maadow oo ka mid ah saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ku sugan duleedka Balcad ayaa sheegay in qofka ay dileen uu Miino ku aasayay inta u dhaxeysa Balcad iyo Gololeey.

Waxaa uu intaas ku daray in Ninkaasi uu watay Baskoolad uu doonayay in uu isku difaaco haddii la weeraro.

Korneyl Maadow ma kala caddeyn in Ninka markii ay tooganayeen uu dagaallamayay iyo in kale waxaase uu xaqiijiyay in uu ku howlanaa miino aasidda.

Waddada isku xirta Balcad iyo Jowhar ayaa noqotay mid ku caan baxday Miinooyinka waxaana lagula beegsadaa saraakiisha Maamulka Hirshabeelle iyo Ciidamada AMISOM ee ku sugan Gobolka Shabeellaha dhexe.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *