Duqeyn ka dhacday duleedka dagmada Awdhiigle oo lagu dilay saraakiil katirsan Al shabaab

Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in weerar xalay ka dhacay duleedka Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha hoose lagu dilay sarkaal ka tirsanaa AL-shabaab.

Duqeynta oo ay geysteen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah ee taageera ayaa lagu sheegay in lagu dilay Xasan Abshir Jbrill oo ku magac dheer Jiiroow iyo xuno kale.

Sarkaalkan ayaa lagu sheegay uu ahaa ku xigeenka Al-shabaab ee dhinaca Jabhadaha,waxaana lagu eedeeyay in uu ka qeybqaatay dagaallo Al-shabaab ka geysteen Gobolka Shabeellaha hoose gaar ahaan Janaale iyo Bariirre.

Ilo ku dhow Hay’adaha amaanka ayaa sheegay in weerarka dhinaca cirka ah uu yimid kaddib markii hay’adaha sirdoonka heleen xog la xiriirta in sarkaalkaas ku suganyahay degaankaas.

Al-shabaab, iyo Mareykankaba kama hadlin duqeyntan hayeeshee Telefeshinka Dowladda Soomaaliya ayaa lagu qoray in sarkaalkaas lagu dilay Shabeellaha hoose.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa qabsaday Degmada Awdheegle 7dii August ee sanadkan,waxaana dhowr jeer ka dhacay weerarro rogaal celis ahaa oo ay ku qaadeen Al-shabaab.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.