Qaar kamid ah madaxweynayaashii dalka soomaray oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho

Madaxweynayaashii hore ee dalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gurigiisa ku booqday Madaxweynihi hore ee dalka mudane Cali Mahdi Maxamed.

Waxa ay la yeesheen kulan looga hadlaayay Xaaladda dalka iyo xayiraadii dhawaan lagu sameeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Kulankaan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ka socday kulamo kala duwan oo looga hadlaayay Xaaladda Siyaasadeed ee dalka, iyadoo dowladda Farmaajo ay bilowday iney six un ula dhaqanto madaxdii dalka soo martay.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.