Al shabaab oo Qarax miino la eegtay Kolonyo ay la socdeen ciidamo Talyaani ah

Jugta Qarax ayaa Goordhow waxaa laga maqlay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir ,kaasi oo la sheegay inuu ka dhacay agagaarka Kulyada Jeelle Siyaad ee Magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxas uu ahaa mid loo adeegsaday gaariga laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarax,isla markaana uu ka dhacay Kulyada Jeelle Siyaad.

Sidoo kale warar la helayo ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid lala eegtay kolonyo ay la socdeen Ciidamo talyaani ah oo halkaas marayay,in kastoo aan si dhab loo cadeyn.

Qarax kadib ayaa waxaa la maqlay rasaas xoogan oo rideen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo xiligaas goobta ka Agdhawaa.

Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha ka dhashay qaaxaas ka dhacay Kulyada Jeelle Siyaad ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

www.somalitopews.com

.Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *