Cafarta Itoobiya  oo dishay 14 oo Soomaali ah

Wararka ka imanaya Gobolka Siti ee Ismaamulka Soomaalida ayaa sheegaya in ugu yaraan 14 Qof oo Soomaali ah lagu dilay dagaal ka dhacay gobolkaas.

Qof ka mid ah Dadka degaanka oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in dagaalka oo uu sheegay in Cafarta ku qaadeen degaankooda lagu dilay 14 Soomaali ah 7 kalena lagu dhaawacay.

Qofka oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee degaanka ayaa sheegay in Ciidamada Ismaamulka Cafarta iyo Jabhad dhinaca Eritrea ka timid ku lugleeyihiin.

Waxaa uu Ismaamulka Soomaalida iyo Soomaalida inteeda kale ka codsaday in ay gacan ka siiyaan sidii ay isaga celin lahaayeen Cafarta oo uu sheegay in ay dhul ballaarsi wadaan.

Ismaamulka Soomaalida ayuu ku eedeeyay in uu ka gaabiyay sidii loogu gurman lahaa dadkaas isaga oo sheegay in 14ka qof ee dhintay laba ka mid ah ay u geeriyoodeen dhaawac soo gaaray kaddib markii ay waayeen gargaar caafimaad.

Ismaamulka Soomaalida ayaa dagaal kula jiri jiray Ismaamulka Oromada waxaana ay hadda u muuqataa in dagaalkaas u wareegay Ismaamulka Soomaalida iyo kan Cafarta.

www.somalitopews.com

.Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *