Deg Deg: Al shabaab oo weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday xerada Balli-Doogle

Al-Shabaab aya Goordhow waxaa ay shaaciyeen in weerar ku bilaawday qaraxyo ay ku qaadeen saldhiga ciidamada dowladda iyo Saraakiisha Tababarayaasha Mareykanka ah ee ku sugan yihiin oo ku yaalla duleedka degmada Walanweyn ee Gobolka Sabeellaha Hoose.

Gaadiid lagu soo raray walxaha qarxa ayaa la sheegay in lagu weeraray Xerada Balli-Doogle  intaasi kadibna uu bilaawday dagaal toos ah oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda ee ku sugan xerada & kuwa Mareykanka iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa jug culus oo loo maleynayo qaraxyo iyo rasaas xoogan, hayeeshee ilaa iyo hadda aysan ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Al-Shabaab ayaa Warar ay ku daabaceen Baraha Internet-ka waxaa ay ku sheegeen inay la wareegeen qeyb kamid ah Saldhiga Balli-Doogle.

www.somalitopews.com

.Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *