Mareykanka oo ka hadlayy weerarkii Balli-Doogle iyo qaraxii lala eegtay ciidamada Talyaaniga

War kasoo baxay Safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu cambaareeyay weerarkii qaraxyada ku bilaawday ee Maanta lagu qaaday Garoonka Balli-doogle ee Shabeellaha Hoose iyo qarixii Muqdisho ee lagu weeraray Ciidamada Talyaaniga.

“Dowladda Maraykanka waxa ay cambaareynaysa weerarrada maanta ka dhacay Baledogle iyo Muqdisho. Waxaan amaanayna ciidamada Soomaaliyeed oo ka hortagay weerarka lagu soo qaaday fariisiin ciidanka Soomaaliyeed uu ku lee yahay Baledogle ee gobolka shabeelaha hoose. Ciidanka oo ahaa mid fajignaan muujinaayo ayaa ku guuleystay in uu ka hortago wareerka fashilmey ayaa lagu yiri”Warka kasoo baxay Dowladda Marekanka.

Sidoo kale warkaan ayaa waxaa lagu sheegay in wax khasaaro ah uusan weerarkasi kasoo gaarin Ciidamada xoogga dalka ee ku sugan xerada Balli-doogle ee Shabeellaha Hoose.

Ugu dambeyn mareykanka ayaa weerarkaan ku tilmaamay mid muujinaya in Al-Shabaab ay carqalad ku yihiin horumarka, nabadda iyo barwaaqada Soomaaliya. Dowladda Maraykanka waxa ay xaqiijineysaa dadaalka xooggan ay siineyno dadka iyo xukuumadda Soomaaliyeed anigo oo gacan ka geysaneyno dadaallada wadajirka ah taaso lagu doonaayo in logu baabi’iyo kooxaha argagixisada iyo dhisida dal xoog leh oo dadkiisa ku horseedo barwaaqo iyo mustaqbal wanaagsan ayaa lagu soo geba-gabeeyay.

Al-Shabaab oo War kasoo saaray weerarkii ay ku qaadeen Xerada Balli-Doogle ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaas lagu dilay in ka badan 100 Askari.

www.Somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *