Shir u dhaxeeya Waddamada Ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo ka socda Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa shalay ka furmay shir muhiim ah oo u dhaxeeya Qaramada Midoobey iyo Howlgalka AMISOM.

Shirkan oo soconaya muddo shan maalmood ah ayaa waxaa looga hadlayaa dar dar gelinta howlgallada ka dhanka ah AL-shabaab, sida loo kala hormarinayo qorshaha AMISOM ee kala guurka iyo hanaanka ugu fudud ee lagu taageeri karo howlgalka.

Madaxa Howlgalka AMISOM ahna Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira, ayaa sheegay in shirkan uu ku soo aaday xilli muhiim ah oo lagu jiro joogteynta howlgallada Milatari,sugidda waddooyinka sahayda u marto AMISOM iyo goobaha dadka ku badanyihiin.

Waxaa uu sheegay in dhamaan howlahaan aan la gaari karin laa laga helo qorshe dhameystiran oo lagu howlgalo.

Madaxa Xafiiska Taageerada Soomaaliya ee Qaramada Midoobey  Lisa Filipetto, ayaa sheegtay in AMISOM ay kaalin weyn ka qaadatay xasilinta Soomaaliya.

Lisa Filipetto, ayaa sheegtay in Xafiiska ay madaxda ka tahay ee UNSOS ay ka go’antahay taageerada amaanka ee Soomaaliya iyo howllaha AMISOM.

Waxaa ay sheegtay in farriinta ugu weyn ee ay u sheegeyso ka qeybgalayaasha shirka ay tahay in UNSOS ka go’antahay qabashada shaqadeeda Soomaaliya waliba si waafaqsan waqtiga.

Shirka waxaa ka qeybgalaya Waddamada ay Ciidamafda Milatariga iyo Booliska ka joogaan Soomaaliya,Wakiillo ka socda Xarunta Midowga Afrika ee Adis ababa, Qaramada Midoobey iyo ka qeybgalayaan kale.

www.somalitopews.com

.Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *