Puntland iyo Jubbaland oo ka maqan shirka Somali partnership Forum ee Muqdisho ka socda

Waxaa si habsami lel uga socda magaalada muqdisho shirka madasha Iskaashiga Soomaaliya oo ay ka qeyb galayaan inkabadan 100 ergo oo kala matalada hay’ado iyo dowlado caalami ah oo Soomaaliya taageera.

Madaxda Maamulada Hirshabelle,  Koofur Galbeed, iyo Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa ka qeyb galaya balse Puntland iyo Jubbaland ayaa shirkan ka maqan waxaana ay uga maqan yihiin sababo la xiriira khilaaf kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in Shirka Maanta ka furmaya Muqdisho aysan ku casuumin Axmed Madoobe oo dib loogu doortay Kismaayo,hayeeshee Madaxweynaha Puntland oo lagu casuumay uu diiday sababo la xiriira in Madaxweyne Deni uu shuruud ka dhigay in shirkaasi uu qeyb ka noqdo Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland.

Warar kale oo soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in dowladda Soomaaliya ay casuuntay Wasiirka Maaliyadda Jubbaland,hayeeshee aan la ogeyn in Muqdisho uu yimid iyo in kale.

Arrintaan ayaa waxaa ay qeyb ka tahay khilaafka siyaasadeed ee xilligaan ka dhex-jira Villa Soomaaliya iyo Madaxda dowlad goboleedyada puntland iyo Jubbaland taa soo in badan salka ku heysa doorashadii ka dhacday Magalada Kismaayo.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *