Xisbiyada ugu waa weyn dalka oo maanta ku dhawaaqaya isbaheysi ay ku mideysan yihiin

Seddexdii Maalin ee ugu dambeeyey waxaa Magaalada Muqdisho ka socday kulamo xasaasi ah oo ay yeelanayeen qaar ka tirsan madaxdii dalka soo maray iyo Xisbiga Siyaasadda ee Soomaaliya.

Madaxda kulamadaas u socday ayaa isku raacay in la dhiso isbaheysi Siyaasadeed ama Kudlad siyaasadeed oo ay ku mideysan yihiin Xisbiyada Siyaasadeed.

Xisbiyada kudladaas ku midoobay ayaa kala ah Wadajir, Himilo Qaran, UPD, Ilays iyo kuwa kale, waxaana la filayaa in bayaan wadajir ah ay soo saari doonaan.

Midowga Xisbiyadaan ayaa waxay u muuqdaan inuu yahay mid loogu diyaar garoobayo Doorashada la filayo inay Soomaaliya ka dhacdo 2020/21.

La soco wixii kasoo kordho kulankaas oo la filayo in saacado kadib lasoo gabagabeeyo.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *