Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya oo ciidan u diyaariyay deegaano Shabaab laga xureeyay

Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed soomaaliya Cabdi casiis Maxamed Xasan (lafta gareen) oo ka qeyb galaya shirka Maalgashiga iskaashiga Soomaaliya ee ka soconaya magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay xaalada guud ee dalka xiliga marayo iyo deegaanada Al-Shabaab ay kaga sugan yihiin deegaanada koofur galbeed Soomaaliya.

Madaxweyne Lafta gareen ayaa sheegay in deegaannada Al-shabaab laga saaray  ee shabeellada hoose, ay u diyaariyeen 400 oo ciidan booliis ah, si ay u sugaan ammaanka guud ee gooba ay la wareegaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha maamulka Koofur galbeed ayaa waxaa uu sheegay in 400 ciidan kale oo booliis ah ay u diyaariyeen la geeyo wadada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo si loo hubiyo amniga wadadaasi.

Magaalada Muqdisho ayaa  waxaa Maalintii labaad ka socda Shirka Caalamiga ah ee madasha iskaashiga Soomaaliya,kaas oo ay ka qeyb-galayaan Wakiilo ka socda Beesha Caalamka iyo  Madax ka tirsan dowladda.

www.somalitopews.com

.Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *