Nin dil geestay oo baxsad ka ahaa laamaha amniga oo gacanta lagu dhigay

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa lagu qabtay Nin baxsad ah oo ku eedeeysan in dhawaan qof shacab ah uu ku dilay Xaafad ka tirsan Magaalada Baladweyne,isla markaana waxaa gacanta ku dhigay Ciidanka nabadsugida Galmudug.

Ninkaas ayaa waxaa  lagu wareegay Taliska qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed,iyagoona Nabadsugida Galmudug uga mahadceliyay soo qabasha Ninkaas gacan ku dhiiglaha ahaa.

Taliyaha Guutada 13-aad ee Qaybta 21-aad Gaashaanle Cabdiraxmaan Macalin Maxamed  Maxamuud “Timadheere” ayaa u Mahadceliyay Taliska NISA ee Galmudug oo ku guuleytay inay gacanta ku dhigan eedeysane loo Heysto dil Dhowaan Magaalada Baladweyn loogu geystay qof shacab ah oo la qabtay isgaa oo Baxsad ah.

Taliyaha ayaa Eedeysanaha ka Guddoomay Saraakiisha NISA ee Dhuusamareeb waxa uuna Balan qaadey in Qaybta 21-aad ay ku Wareejin doonto Taliska Qaybta 27-aad oo Marin doonna Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida ee Qaybta 27-aad.

www.somalitopews.com

.Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *