Qatar oo sheegtay iney Soomaaliya ka taageereyso dhismaha ciidanka Militriga

Wakiil u hadlay Dowladda Qatar kana qeyb-galay shirka Caalamiga ah ee Iskaashiga Soomaaliya ee ka socda Magalada Muqdisho ayaa sheegay in Qatar ay taageero dhinac walba ah siineyso Soomaaliya oo xilligaan ah dal soo kabsanaya.

Waxaa uu sheegay in Dowladda Qatar ay dhaqaale lacageed ay ugu deeqayso Soomaaliya iyo Mashaariic ay ka mid tahay Dhismaha Dekadda Hobyo,sidoo kale  Saanad Ciidan ay ku taageeri doonaan Ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Wakiilka u hadlay Dowladda Qatar in mar walba ay diyaar yihiin kana go’an tahay inay taageeraan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ,sida mashaariic kala duwan oo laga fuliyo gobolada dalka iyo mid Millateri.

Dowladda Qatar ayaa waxaa ay kamid tahay dowlaha taageera Soomaaliya,waxaana sigaar ah loogu xagliyaa inay saaxiibow dhow la tahay Madaxda Dowladda Federaalka ee xilligaan heysa talada dalka.

www.somalitopews.com

.Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *