Xiisad ka taagan magaalada Mandheera kadib dad Soomaali ah oo isku dilay

Ugu yaraan 7 Qof oo Soomaali ah ayaa ku geeriyootay degaanka Banisa oo ka tirsan Magaalada Mandheera.

Weerarkan ayaa waxaa geystay malleeshiyo Beeleed ka dhashay Qabiilka Dagoodiyaha waxaana ay u geysteen weerarka   Qabiilka Garraha.

Malleeshiyada hubeysan ayaa weerar ku qaaday dadkaasi iyaga oo xilli waabari ah weeraray,waxaana halkaas sidoo kale ku dhaawacmay tiro dad ah oo Isbitaalka la dhigay.

Onesmus Kathya, oo ah Guddoomiyaha Magaalada Mandheera ayaa sheegay in khasaare nafeed uu ka dhashay weerarka u dhaxeeya  laba beelood oo Soomaali ah  islamarkaana uu maamulkiisa ku baxay goobta.

Oday ka mid ah Dadka degaanka ayaa u sheegay wargeyska Daily Nation in dagaalkaas uu la xiriiro muran dhinaca dhulka ah oo u dhaxeeya labada beelood.

Reerka laga dilay 7da qof ayaa waxaa ay ka guureen degaanka Malka-ruka  markii ay ku bateen dagaallada beelaha hayeeshee hadda la qorsheynayay in dib loogu celiyo.

Oday dhaqameedka ayaa sheegay in malleeshiyada oo ka careysan dib u celinta reerkaas ay weerarka ka dambeeyeen sidaasna u fuliyeen.

Ali Roba.oo ah Guddoomiyaha Gobolka Bandheera ayaa sheegay in ay wadaan dadaallo lagu dejinayo xiisadda islamarkaana lagu sameynayo is dhexgalka bulshada degaannadaas ku wada nool.

www.somalitopews.com

.Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *