Midowga Yurub oo Dowladda Federalka ku amray iney ka dhabeeyaan dagaalka Al shabaab

Wasiirka Gaashaandhigga Somalia Xasan Cali Maxamed ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya .

Waxay ka wada-hadleen arrimo la xiriira xoojinta Xiriira labada dhinac iyo sidii Midowga Yurub iyo Somalia ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah argagixisada waxa loogu yeero.

Wasiirka ayaa xusay in Ciidamada Xoogga Dalka Somalia ay guulo ka soo hooyeen dagaalka ay kula jiraan nabad diidka degaano badana laga xoreeyay.

Safiirka Midowga Yurub ee Somalia waxa uu xusay in dadaalo muuqda iyo dhaqdhaqaaqyo ciidanka oo muuqda ay wadaan ciidamada DFS , balse wuxuu  u sheegay inuusan arkin wax horumar ah oo aan laga gaaray dagaalka Al shabaab.

Wakiilka EU ee Soomaaliya ayaa xusay iney Al shabaab kordhiyeen weerarada xarumaha dowladda iyo qaraxyada dhulka lagu aasayo wuxuuna ugu baaqay in si deg deg ah talaab looga qaado Al shabaab.

Waxaa muuqata in Beesha caalamka ay fahantay in dowladda Federalka ay la shaqeyso Al shabaab islamarkana madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha ay yihiin shabaab.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *