Wasiirka Maaliyadda Puntland oo amar ku bixiyay in la dilo dadka degan guryaha dowladda

Maamulka Goboleedka Puntland ayaa amar dul dhigay dadka shacabka ah ee ku nool guryaha iyo dhulalka ay dawladdu leedahay.

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay dadka ku jira dhulalka iyo guryaha dawladdu in aysan deegaan u noqon Karin dad gaar ah maadaama ay tahay hanti dawladeed, waxa uuna ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga  guuraan dadka deegaamaystay goobaha gaarka ah ee dawladda

Waxa uu Intaa ku daray Wasiir Xasan Shire Cabdi  in ciddii u hogaansami wayda ciidamada ku hawlan soo celinta dhulalka iyo hantida dawladda ay u fasaxan yihiin in ay dilaan , waa sida uu hadalka u dhigaye

Burburkii Dawladdii dhexe ee Soomaaliya ka dib waxaa jiray in  shacab soomaaliyeed oo fara badani ay deegaamaysteen dhulal ay dawladdu lahayd, dadkaas ayaa waxa ay isugu jiraan qaar hantidoodii kuwayay dagaaladda sokeeye ee dalku soo maray, kadibna gabbaadsaday dhulalkii ay dawladdu lahayd qaar kale ayaa ku duruufaysan oo aan awoodin in ay degaan hoy ay iyagu leeyihiin halka qaarkood aysan xitaa awoodin in ay kiraystaan guryo ay degaan,iyagoo la  daalaa dhacaay nolol maalmeedka qoysaskooda iyo  duruufahooda nolosha ee gaarka ah

 

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *