Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo dowadda Federaka ku dhaliilay xilalka ay dhalinyarada ku saftay

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Finish), ayaa ka hadlay xilalka madaxda dowladda ay u dhiibeen dhalinyarada aan khibrada buuran u leheyn arrimaha Siyaasada.

Cumar Finish Waxaa uu sheegay in Madaxda Dowladda Federaalka ay xilalka u salaxeen ciyaalka Xaafada,balse uu rajeynayo in ay doorkooda qaadaan doonaan raja weyna uu ka qabo inay la yimaadaan isbedel ka duwan madaxdii ka horeeysay, waxaase uu sheegay iney tahay qalad ay dalka ka galaayan madaxda dalka marka caruur aan caqli laheyn xil loo dhiibo.

“Runtii xilalka Dowladda waxaa loo salaxay Ciyaalka Xaafada,balse waxaan rajeynayaan inay doorkooda qaadan doonaan kana duwanan dooonaan kuwii ka horeeyay,Cismaan Cabdullaahi,Xijaar , Janeraal Bashiir Maxamed Jaamac iyo Wasiirka Amniga waxaan isla nahay Ciyaalka Xaafada ayuu yiri”Guddoomiye Cumar Filish.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar  Finish, ayaa  hadalkan ka jeediyay munaasabad lagu soo dhaweynayay taliye kuxigeenka Cusub ee Booliska Soomaaliyeed Cismaan Cabdullaahi Kaniif oo dhawaan Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo xilkaan u magacaabay.

Munaasabada oo lagu qabtay xarunta tababarka ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka amniga gudaha ee XFS Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) Ra’isul wasaarihii hore ee dowlada Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo maareeyaha guud ee wakaalada dhismaha qaranka Soomaaliyeed.

www.Somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *