AMISOM oo mas’uuliyiin katirsan dowladda u diiday garoonka diyaaradaha Baladweyne

Wararka Garooka diyaaradaha Magaalada Baladweyne laga helayo  ayaa sheegaya in Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ay Garoonka u diideen inuu galo Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Degmada Baladweyne.

Muxumed Cali Dhagagaab ayaa laga celiyay Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif xili uu doonayay inuu ka qeyb galo soo dhaweyn loo sameeynayo Wafdi ka socda Hirshabeelle oo ku wajahan Baladweyne.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Degmada Baladweyne Muxumed Cali Dhagagaab ayaa Ciidanka Jabuuti u sheegay inuu yahay Mas’uul ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan,hayeeshee ay ka diideen arrintaas.

Dhagagaab ayaa ku tilmaamay falkii ay Ciidanka Jabuuti ee gacanta ku haaya Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne ugu diideen inuu galo halkaas uu yahay mid laga xumaado,isla markaana arrintaas laga hadli doono.

Si kastaba Magaalada Baldweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa inay gaaran wafdi ka socda maamulka Hirshabeelle,iyadoona amniga siweyn loo adkeeyay.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *