Ciidamada Dowladda oo had iyo jeer ku fashilin ka hor tagidda dilalka qorsheysan

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil askari ka tirsanaa ciidamada dowladda loogu geystay degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay xaafadda Kaawo Godey, iyadoona ay fuliyeen rag ku hubeysnaa Bistoolado, kuwaas oo durba goobta isaga baxsaday.

Wararka qaar ayaa sheegaya in askariga la dilay uu ka tirsanaa ciidamada kuwa qaada canshuuraha ee loo yaqaano Minashiibiyada.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dilka kadib ay goobta gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilkaasi, waxaana ay baahisay in ay fuliyeen dagaalyahanno ka tirsan kuwooda, sida gaarka ah u tababaran.

Warar kale ayaa sheegaya in askarta dhaxdooda ay waayadii u dambeeyey ee Khilaaf iyo aanoyin qabiil uu dhaxeyey,iyadoo shalay labo qof isla goobtaas lagu dilay,arinta la isku hayana ay tahay canshuur gawaarida iyo dukaamada goobtaas laga qaado.

Ma shaacin Al-Shabaab magaca askarigaasi, basle waxa ay sheegtay inuu dhibaato ku hayey shacabka, islamarkaana uu baad ka qaadayey, sida ay u dhigtay.

Muddooyinkii dambe Al-Shabaab ayaa kordhisay dilalka iyo weerarada ka dhanka ah ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.