Danjire Geelle: Hadii Farmaajo uu rabo in la xushmeeyo mustaqbalka ha wanaajiyo madaxdii dalka

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Sheekh Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dowladda Madaxweyne Farmaajo iyo arrimo kale.

Daahir Geelle ayaa siweyn u dhaliilay qaabka ay wax u wado dowladda Federaalka,isagoo ku dheeraaday ka hadlay qalalaadkii ay galeen Madaxda haatan jirta.

Mudane Gelle ayaa sheegay in sharaf dhac ku tahay Farmaajo hakintii Sheekh Shariif uu ku sameeyay ee looga hor istaagay inuu u dhoofo magaalada Kismaayo.

Sidoo kale Daahir Geelle ayaa waxaa uu sheegay in qalalaadkii ugu weynaa ay gashay dowladda intii uu ka tirsanaa ay aheyd weerarkii lagu qaaday Guriga C/raxmaan C/Shakuur iyo tallaabadii diyaaradda looga xayiray Madaxweynihii hore Sheekh Shariif.

Waxaa uu tilmaamay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya in weerarkii C/raxmaan C/Shakuur uu abuuri karo Marxad Cusub iyo xurmo daro ku timaado siyaasiga Soomaaliga.

Ugu dambeyntii Daahir Geelle ayaa xusay in la joogo xilligii uu dhaxalka reebi lahaa Madaxweyne Farmaajo,waxaana uu ugu baaqay Madaxweyanaha inuu isku keeno dadka Soomaaliyeed si uu taariikhda u galo

www.Somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *