Wafdi ay hogaaminayaan Shariif Sakiin iyo Cabdikariin Guuleed oo gaaray Kismaayo

Wafdi ay heer sare oo ay hoggaminayaan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka dagay Magaalada Kismaayo ee Caasimadda Maamulka Jubbaland.

Wafdigaan oo soo raacay diyaarad gaar ah oo si toos ah uga timaaday Magaalada Nairobi ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo.

Garoonka Kismaayo ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenada maamulka Jubbaland.

Wafdigaan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah ku dhawaad 30 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo ku sugnaa Magaalada Nairobi ee Caasadda dalka Kenya.

Xubnahaan ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan Xafladda Caleema saarka madaxweynaha dib loo doortay ee Axmed Madoobe oo ka dhici doonto Magaalada Kismaayo.

Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn xilliga ay dhaceyso Xafladda Caleema Saarka  ayaa haddana waxaa la rumeysan yahay inay dhici doonto 9-ka bishaan.

Sida wararku sheegayaan diyaaradan oo la sheegay inay soo iibsatay Maamulka Jubbaland ayaa loogu tala galay inay soo qaado wafuuda ka qeyb galeysa caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, kaddib markii dowladda Federaalka ay ku amartay shirkadaha diyaaradaha rayidka in aysan qaadi karin siyaasiyiinta aadaya Kismaayo.

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid oo ka hadlayay soo dhoweynta wafdiga maanta gaaray Kismaayo ayaa yiri ” ku soo dhawaada magaalada Kismaayo waxaan ku faraxsanahay inaad nasiib u yeelateen inaad soo raacdaan diyaaradii ugu horeysey ee ay Jubbaland leedahay ummadda Soomaaliyeedna sharaf ayay u tahay, madaxweyne Farmaajana waxaan rajeynayaa inay mudan tahay inuu noogu soo hambalyeeyo”

Dowladda Soomaaliya ayaa horey sabab ugu noqotay inay baaqato Xafladda Caleema saarka Axmed Madoobe kadib markii ay joojisay dhammaan diyaaradihii tagi jiray Magaalada Kismaayo, sidoo kalana ay xayirtay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo diyaarad ka raaci rabay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *