Itoobiya oo diiday codsi kaga yimid Masar oo ku aadan Biyo Xireenka Wabiga Niil

Itoobiya   ayaa sheegtay in soo jeedinta taliska Masar ee ah inay ku marti qaado dhinac saddexaad wadahadalada biyo-xireenka loogu magac daray dib-u-curshada ay tahay diidmo aanan marmarsiiyo lahayn oo ah hore-umarka laga gaaray wadahadalka farsamada ee saddex geesoodka ah.

Waxa kale ay sheegtay Ethiopia in soo jeedintan ay xadgudub ku tahay Baaqii Mabaadii’da ee ay saddexda dal saxeexeen 23-kii  bishii Mars, 2015, sida lagu sheegay qoral ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in ethiopia ay xaqiijineyso mowqifkeeda si loo sii horumariyo wadahadalada farsamo ee saddex-geesoodka ah ee ku saabsan buuxinta iyo howlgalka biyo xireenka weyn ee Ethiopia, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Ethiopia.

Waxa qoraalku intaa ku daray in Ethiopia ay ku qanacsan tahay in wadatashiga farsamadu uu sii socdo maadaama uu siinayo doorashada kaliya ee lagu xallin karo isdiidada u dhexeeysa sedexda dal ee ku saabsan buuxinta iyo howlgallinta biyo xidheenka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in soo jeedinta loo soo bandhigo wadahadalka ku saabsan buuxinta iyo ka shaqeynta biyo-xidheenka madal siyaasadeed ay tahay “mid aanan laga fileynin nuuca arrimaha farsamada ee laalan.

Waxa qoraalka lagu sheegay in tani aynan u oggolaaneynin in si guul leh loo xalliyo arrimaha farsamada maxaa yeelay waxay xadgudub ku tahay jihada ay siiyeen hoggaamiyeyaasha saddexda dal wasiirrada biyaha si loo xalliyo arrimaha farsamada ee la xidhiidha buuxinta iyo hawlgallinta biyo-xireenka.

Waxa sido kale qoraalka lagu sheegay in “Ethiopia ay aaminsan tahay in qaababka iskaashiga ee hadda jira ay u oggolaanayaan xallinta khilaafaadka waxayna sheegtay baahida loo qabo in laga fogaado warbaahinta khaldan iyo ololayaasha kale ee aanan wax saameyn ah yeelan doonin marka laga reebo inay baabi’so kalsoonida u dhexeeysa saddexda dal,”.

Waa kale oo qoraalkan lagu sheegay in “Ethiopia ay qaadi doonto dadaalkeeda ku wajahan sidii ay u horumarin lahayd ilaha biyaha si ay ula cagta ula hesho baahiyaha hadda jira iyo mustaqbal ee dadkeega kaasoo u qalma horumar iyo heerka nolosha wanaagsan”.

Qoraaalka ayaa tilmaamay in Ethiopia ay u hogaansan tahay mabaadii’da caddaaladda iyo maangalnimada ee  adeegsiga biyo -xidheenka isla markaana aynan waxyeello weyn u geysan doonin dal kale oo uu maro adeegsiga biyaha wabiga Nile ka.

Waxa qoraalka lagu sheegay in xukuumadda Ethiopia ay sii wadi doonto qaadashada qaab aanan u horseedi doonin aqoonsi toos ah ama mid aanan toos ahayn oo ku saabsan heshiis kaste oo hore oo xadidaya wadaaga biyaha, kaasoo aanan khuseynin gabi ahaan EthiopIa.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *