Jubbaland oo inkabadan 20 kamid ah Al shabaab ku dishay howlgal qorsheysan

Maamul Goboleedka Jubaland ayaa sheegay in ay dileen ku dhawaad 20 ka mid ah dhaq dhaqaaqa AL-shabaab oo ay ku jiraan Saraakiil kaddib howlgal ay fuliyeen.

Khiyaar Cabdi Maxamed oo ah Abaanduulaha Guutada 1aad ee Ciidanka Daraawiishta Maamulka Jubaland ayaa sheegay in howgal ay ka fuliyeen Galbeedka Kismaayo ku dileen xubno sar sare oo ka mid ah AL-shabaab.

Waxaa uu qaar Xubnahaas xilalkooda iyo magacyadooda ku kala sheegay Madaxii Miinooyinka AL-shabaab ee Jubaland iyo Guddoomiyaha AL-shabaab ee Galbeedka Kismaayo oo uu ku kala magacaabay Caddaani iyo Tasniim.

Howlgalka ayey ka fuliyeen sida uu Khiyaar sheegay degaanka Cabdalle Biroole oo 55KM  dhinaca Galbeed uga beegan Magaalada Kismaayo.

Taliyaha Guutada 1aad ayaa sheegay in Ragga ay ku dileen weerarkaas ay muddo ku raadjoogeen islamarkaana u sooragashay in ay maanta howlgal ku dilaan.

Sarkaalka u hadlay Ciidanka Jubaland ayaa sheegay in ay la wareegeen Tuulooyin muhiim ah oo hoostaga Cabdalla Biroole islamarkaana ay horay ugu sugnaayeen AL-shabaab.

Ma jirto cid ka madaxbanaan maamulka Jubaland oo xaqiijisay sheegashada Saraakiisha Ciidamada dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *