Khilaaf ka taagan dhismaha Golaha Deegaanka Buulo-Barde

Degmada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa xilligan ka jira khilaaf ka dhashay dhismaha Golaha degaanka degmadaas.

Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa waxaa uu doonayaa in dhismaha Golaga degaanka la soo gaba gabeeyo iyada oo odayaasha dhaqanka ee magaalada ay diideen.

Wasiirku waxaa uu sheegay in degmooyinka kale ee Gobolka Hiiraan laga diiday dhismaha Golaha degaanka Buula Burtana ay xal ka gaari doonaan.

Caadle ayaa ku baaqay in Reer Buulo Burte qaataan dhismaha Golaha degaanka si labada Gobol ee shabeellaha dhexe iyo Hiiraan looga hirgeliyo dhisme gole degaan.

Waxaa uu sheegay in dhismaha Golaha degaanka Jowhar ay joojiyeen ilaa laga dhisayo Buulo Burte sababtuna tahay in labada Gobol ay isla jaanqaadaan.

“Shabeellaha dhexe ayaa waxaa Gole degaan sameystay Degmada War-sheekh,waxaana qasab ah in degmo ka mid ah Hiiraan sameysato Gole degaan si kuwa Jowhar loo dhameystiro” ayuu yiri Wasiir Caadle.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *