Madaxda xisbiga Himilo Qaran oo caawa ku shiray magaalada Muqdisho

Golaha dhexe ee Xisbiga Himilo Qaran ayaa yeeshay shir looga hadlay Xaaladda dalka iyo dar dar gelinta howlaha Xisbiga & dacwadii ay dhawaan ka gudbiyeen Xukuumadda Soomaaliya.

Shirkan oo ahaa mid xasaasi ah oo ay qayb ka ahaayeen Madaxweynihi hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed, Gudoomiyaha Xisbiga Xil. Suleymaan Maxamuud Xaashi ayaa inta badan waxaa soo xaadiray xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga iyo Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamanka ugu jira Xisbiga Himilo Qaran.

Shirka waxaa gudoomiyay Guddoomiyaha Golaha dhexe Xil. Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo guddoomiye ku xigeenka G/dhexe Xil. Yuusuf Xuseen Gama’diid.

Dood adag oo laga yeeshay Xaaladda dalka, dacwaddi Xisbiga u gudbiyay Maxkamadda sare iyo Xaaladda Waddanka ee cakiran ayaa ugu dambeyn ku soo dhammaaday jawi wanaagsan.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *