Roobkii shalay ka da’ay Muqdisho oo sababay iney xirmaan wadooyinka qaar+Daawo

Roobka Deyrta ee saacadihii la soo dhaafay ka da’ay Magalada Muqdisho ayaa waxa uu sababay in wadooyin badan oo ku yaalla Magalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya inay xirmaan,isla markaana aan la mari karin.

Wadooyinka xirmay ee uu roobka saameeyey ayaa waxaa kamid ah, Wadada Siisii ee aada dhinaca Isgoyska  Sanca, Wadada Maanabooliyo ee aada dhinaca isgoyska Afarta Darjiino, Wadada Boondheere ee  isku xirta Isgoysyada Boondheere iyo Siinaay Wadada Ceel-Qaloow ee degmada Wadajir  wadada Warshadaha gaar ahaan Isbartiibada iyo wadooyin kale.

Wadooyinkaas aan soo sheegnay ayaa waxaa xilligaan Buux dhaafiyey Biyo farabadan oo uu dhigay roobkii saacadihii la soo dhaafay ka da’ay Magaalada Muqdisho,waxaana wadooyinkaas intooda badan ka go’ay inay gaadiidka maraan.

Qaar kamid ah Shacabka Magaalada Muqdisho oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa ay sheegeen inay dhibaato ku qabaan xirnaanshaha wadooyinkaas,isla markaana ay waayeen Gawaari ay raacaan taasina ay ku qasabtay inay lugeen waqti badana ay ku qaadato gaarista halkii ay doonayeen.

Dadka muqdisho ayaa badankood waxaa ay yihiin dad bixiya Canshuurta,waxaana Mas’uuliyiinta Maamulka gobolka Banaadir ay ku cel celiyaan inay dhisayaan dhamaan wadooyinka ku yaalla muqdisho,hayeeshee taasi aysan hirgelin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.