Dowladda Federalka oo magacowday Guddiga farsamada Dhismaha Galmudug iyo Xaaf oo soo dhaweeyay

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa magacowday Guddiga farsamada ee dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug.

War ka soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta dowaldda Federaalka ah ayaa lagu sheegay in ay dhistay Guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug.

Waxaa sidoo kale dowladdu sheegtay in xarunta dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug noqoneyso caasimadda maamulka ee Dhuusamareeb.

Xubnaha Guddiga ayaa waxaa ay ka koobanyihiin 13 xubnood oo kala matalaya beelaha dega Galmudug.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in Guddiga ay iska dhex dooran doonaan Guddoomiye, ku xigeenka iyo xubnaha kale ee la shaqeynaya.

Magacyada Xubnaha Guddiga farsamada ee dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa kala ah.

Maxamed Cumar Warsame Afrax

C/Qaadir Nuur Carraale

Axmed Maxamed Caafi

C/Risaaq Kaahiye Yuusuf

Cumar Maxamuud Cabdi

Xuseen Cabdulle Xasan

Maxamed Daahir Faarax

C/Naasir Geelle Cilmi

Xaliimo Cabdi Cali

Maxamed Maxamuud Cali

C/Risaaq Aadan Warsame

Abshir C/Raxmaan Maxamed

C/Rashiid Cali Salaad.

Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa soo dhaweeyay Guddiga farsamada dhismaha dowlad Goboleedka Galmudug.

Guddigan oo ay shaacisay Wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta Maamulka Galmudug ayaa waxaa uu ka koobanyahay 13 xubnood oo matalaya beelaha Galmudug.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.