Ciidamada AMISOM oo dad shacab ah ku dilay Muqdisho kadib qarax lala eegtay

Kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa maanta qarax miino waxaa lagula eegtay wadada warshadaha ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay xaafada ceymiska gaar ahaan labaajada mahad alle ee degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qarax miino ee loo dhigay ciidanka AMISOM uu haleelay mid ka mid ah gawaarida  ay wateen oo marayay Xaafada Ceymiska ee degmada Yaaqshiid .

Ciidanka AMISOM ayaa furay rasaas, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in rasaataasi ay ku dhinteen laba qof, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, rasaasta ay fureen ciidamada AMISOM.

Ciidamada AMIOSM ee qaraxa lala eegtay ayaa la sheegay inay ka yimaadeen degmada Balcad ee gobolka shabeellada dhexe.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.