Madaxweynaha Puntland oo la sheegay inuu DF u ballanqaaday yareynta khilaafaadka

Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka warbixiyay safar iyaga oo koox Wasiirro ah ay ku tageen Magaalada Boosaaso islamarkaana kula kulmeen Madaxweyne Deni.

Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in ay halkaas u tageen sidii la isugu soo dhaweyn lahaa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamulka Puntland.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in Deni uu u ballanqaaday in uu diyaar u yahay la shaqeynta dowladda Federaalka ah sidoo kalena uu yareynta khilaafaadka kala dhaxeeya dowladda.

Axmed ayaa intaas ku daray in kulankii ay la yeesheen Madaxweynaha Puntland uu filayo in uu guul ku soo dhamaaday.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda isku dayday in Siciid Deni laga hor istaago ka qeybgalka Caleema saarka Axmed Madoobe taas oo aan lagu guuleysan.

Safarka Wasiirrada Xukuumadda dhexe waxaa qeyb kahaa Wasiirrada Qorsheynta,arrimaha dibadda,Kalluumeysiga,lataliyaha amaanka Madaxweynaha iyo xubno kale.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.