Madaxweyne Farmaajo oo magacabay Taliyeyaal cusub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo  ayaa Wareegto uu soo  saaray ku magacaabay Taliyaal cusub oo ciidanka xoogga dalka ah .

Saraakiisha la magacaabay ayaa waxaa ka mid ah Sareeye Guuto Mahamed Cali Bariise oo loo magacaabay Taliye kuxigeenka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo Sareeye Guuto Cabdihamid Maxamed Dirir in uu noqdo Taliyaha Ciidanka Dhulka ama Lugta.

Taliyaashaan cusub ee uu Madaxweynaha Dowladda Federaalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa horay uga mid ahaa Saraakiishaan Ciidanka Xoogga dalka.

Boosaska loo magacaabay ayaa horay waxaa u baneeyey Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.