Madaxweynihii dalka Xasan Sheekh oo si diiran loogu soo dhaweeyay Kismaayo

Gudoomiyaha Xisbigga Midowga Nabada iyo Hormarka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray Magaaladda Kismaayo ee Xarunta Ku meel gaar ah ee Maamulka Jubbaland.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa Garoonka Diyaarada Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee Kismaayo waxaa ku soo dhaweeyay Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland,Xildhibaano ka tirsan Labadda Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Magaaladda Kismaayo .

Xasan Sheekh iyo Wafdigiisa ayaa loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada Jubbaland ee Kismaayo waxaana halkaasi uu kala hadli doonaa warbaahin si uu ugu warbixiyo Sarkiisa Kismaayo sida ay Mustaqbal u sheegeen Xubno ka tirsan Xisbigga Xasan Sheekh Maxamuud ee UPD.

Ujeedka Socdaalka wafdigaan ayaa ah ka qayb galka Caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo Kismaayo ka dhacaysa Sabtigga sida Masuuliyiin ka tirsan Jubbaland Mustaqbal u sheegeen.

Kismaayo Waxaa maanta gaaray Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Dene oo uu wehliyo Madaxweynihii hore ee Maamulkaasi Sen Faroole iyo Masuuliyiin ka tirsan Maamulkaasi.

Mogadisho- Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.