Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif oo gaaray magaalada Kismaayo

Gudoomiyaasha Xisbiya Hilimo qaran  ahna madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmad ayaa  gaaray Magaaladda Kismaayo ee Xarunta Ku meel gaar ah ee Maamulka Jubbaland.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed hadana ah Gidoomiyaha Xisbiga Himilo qaran axaa ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland,Xildhibaano ka tirsan Labadda Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Magaaladda Kismaayo .

Sheekha ayaa loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada Jubbaland ee Kismaayo waxaana halkaasi ay kala hadli doonaa warbaahin.

Ujeedka Socdaalka wafdigaan ayaa ah ka qayb galka Caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo Kismaayo ka dhacaysa Sabtigga sida Masuuliyiin ka tirsan Jubbaland Mustaqbal u sheegeen.

Kismaayo ayaa Waxaa horay u gaaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Dene iyo Masuuliyiin kale.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir  Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo wafdigiisa ayaa muddo kooban lagu hakiyay Garoonka Muqdisho ka hor inta aysan bixin, kaddib markii Laamaha amniga Garoonka ay sheegeen in aysan heynin macluumaadka bixitaankiisa wafdigiisa.

Mogadisho- Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.