Ahlu-Sunna iyo qaar kamid ah musharaxiinta oo ka hor yimdid Guddiga Farsamada Galmudug

Ururka Ahlusunna ayaa Sharci daro ku tilmaamay Guddigii ay Magacowday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ee loogu tala galay soo xulista xildhibaanada maamulka Galmudug.

Warsaxafadeed kasoo baxay Ururka ayaa lagu sheegay in dowlada dhexe ee Soomaaliya ay ka baxday heshiiskii ay horay ula galeen Ahlusunna.

Ahlusunna ayaa ugu dambeyntii sheegtay in beelaha Galmudug ay xaq u leeyihiin in ay ka tashadaan dhismaha maamulkooda.

Dhanka kale Qaar kamid ah Musharrixiinta Madaxweynaha Galmudug ayaa war ka soo saaray Guddiga ka shaqeenaya dhismaha Maamulka Galmudug ee dhawaan la magacaabay.

Musharaxiinta ayaa sheegay in Guddiga dowladda Soomaaliya ay Magacowday ay yihiin Shaqaallaha Rayidka ah ee dowladda, islamarkaana aysan jirin wax wadatashi ah oo laga siiyay Waxgaradka Galmudug.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.