Al shabaab oo Qarax miino ku dilay maanta saraakiil iyo askar katirsan Alpha Group

War ka soo baxay dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ayaa lagu faah faahiyey qarax ciidamo ka tirsan kuwa Alpha Group lagula beegsaday deegaanka Jasiira ee duleedka magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa Al-Shabaab ay sheegatay in ay la bartilmaameedsatay gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen ciidamadaasi oo ka soo ambabaxay deegaanka Lambar Konton, kuna soo jeeday gudaha Muqdisho.

Sida ay baahisay warbaahinta Al-Shabaab waxaa qaraxaasi ku dhintay illaa shan askari oo ay ku jiraan saraakiil, sida ay hadalka u dhigtay.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa magacyada saraakiisha ku dhintay qaraxaasi ku kala sheegtay 1-Faarax Caato, 2-Daahir Cabdulle iyo 3-Sharmaarke.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan khasaara ka dhashay qaraxaasi.

Kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro dhabo gal ah oo u badan qaraxyo miino la beegsata ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan Muqdisho iyo gobolka Shabeelaha Hoose

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.