Jubbaland oo ku dhawaaqday in wufuud caalami ah ka qeyb galayaan caleemo saarka Axmad Madoobe

Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa ku dhawaaqday in Caleemasaarka Axmed Maxamed Islaam ay ku casuuntay waddamada Deriska ah iyo Maamulka Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Jubaland ayaa ku dhawaaqay in dalalka Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti ay ku casuumeen caleemasaarka Axmed Madoobe oo lagu wado in uu dhoco maanta.

Waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in wufuud kala duwan oo ka kala socda dalalka deriska ah ay ka qeybgalaan caleemasaarka Axmed Madoobe.

Wasiirku waxaa uu sidoo kale sheegay in Maamulka Somaliland ay casuumaad u direen islamarkaana ka filayaan in dad uga qeybgala ay u diri doonaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhamaan diyaaradaha caalamiga ah iyo kuwa gudaha ee ka imanaya Kenya ku amartay in ay soo maraan Muqdisho ka hor inta aysan u gudbin Magaalada Kismaayo.

Go’aankan ayaa imanaya iyada oo dhawaan dowladda ay u yeertay danjiraha Kenya ee Soomaaliya loona dhiibay waraaq looga cabanayo dowladdiisa oo lagu eedeeyay ku xadgudubka hawada Soomaaliya.

 

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.