Madaxweynaha Jubbaland oo ku celiyay baaqiisii ahaa wadahadal iyo heshiis

Madaxweynaha Dowladda Gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo khudbad ka jeedinayay munaasabad lagu caleemo saarayaymo saarkiisa ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka in la wadahadalo leyslana saxo sida uu hadalka u dhigay haddii ay jireen qaladaad dhacay.

Wuxuu sheegay in Dowladda uu ka filayay Dowladda in ay qaadato doorkeeda hoggaamineed, madaama ayuu yiri maamul gobolleedyada oo dhan yihiin kuwo hoostaga kuna shaqeeya mar walba awaamiirteeda.

‘’Dowladda waa Waalid oo kale, Waalidka isaga ayaa laga rabaa in uu Ilmahiisa toosiyo una tilmaamo dariiqa saxa ah, Annaga waan ognahay Dowladda hadda jirta waa Dowladdeenii waan ku qasbannahay mar walba in aan la shaqeyno, ka Jubbaland ahaan waxaan diyaar u nahay in aan la hadalo, wada fariisanno, is qancino waxan iyo waxan ayaa qaldan leys dhaho, waana rajeynayaa in ay taasi dhici doonto’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Ayuu yiri Axmed Madoobe.

Wuxuu sheegay si dalkan horay loogu wado loo baahan yahay in dhinacyada ay siyaasada quseysa oo dhan isku yimadaan wada hadalaan, laguna socdo wixii lagu heshiiyay.

‘’Meeshan lama kala maarmo waa leysku qasban yahay, waan in la wadahadlo oo leysku yimaado, laga shaqeeyo danta Umadda, haddii ay taasi dhicin meesha aan u socno ee ah dowladnimo la wada-leeyahay lama gaari doono’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhanka kale wuxuu sheegay in dowladda ay ka soo horjeestaan ay sababteeda leedahay isla Dowladda Dhexe ee Federaalka isaga oo yiri’’ “Inaan caaq noqono iyagaa sababi kara ,labad ilmood ee aad dhashay haddii sidan iyo sidan kala tiraahdo adaa wax walba isaga dhiga kara “,ayuu intaa ku daray.

Xalfaladda Caleema saarka ee madaxwaynaha Jubaland ayaa qabsoontay iyada oo wali uu jiro khilaafka dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland.

Dowladda fedaraalka ayaa dib u doorashadii Axmed Madoobe ku tilmaamtay sharci daro islamarkana sheegtay in aysan aqoonsaneyn.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.