Turkiga oo guushii ugu horeysay ka soo hoyiyay duulaanka uu ku qaaday Kurdiyiinta Suuriya

Milatariga Turkiga iyo maleeshiyo Suuriyaan ah ayaa la wareegay gacan ku heynta magaalada Raas- Al-Ceyn ee dhacda waqooyiga galbeed ee Suuriya, sida uu sheegay sargaal ka tirsan dowlada Turkiga.

Weerarka Turkiga ku qaaday Suuriya ayaa galay maalintii afaraad iyadoo looga gol leeyahay in maleeshiyada Kurdiyiinta ee YPG in looga saaro deegaanada ay kaga sugan tahay xadka Turkiga uu la leeyahay Suuriya.

Dhanka kale maleeshiyada YPG ayaa beenisay in aroornimada saaka oo sabti lagala wareegay gacan ku heynta magaalada Raas Al-Ceyn.

Si kastaba ha ahaatee dagaalada xoogan ee ka socda gobolka Idlib ayaa waxaa ku barakacay kumanaan qoys oo u badan caruur iyo Haween.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.