Al shabaab oo xukun dil ah ku fulisay gudoomiye katirsan Hirshabelle

Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe xukun dil ku fuliyey gudddoomiye waaxeed ka tirsan maamulka magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka HirShabelle.

Marxuumka oo 82 sana jir ahaa ayaa lagu magacaabi jiray, Cali Cabdullaahi Xasan, wuxuuna ahaa guddoomiyaha Xaafadda Buula Sheekh ee magaaladaasi.

Fagaarha lagu toogtay ninkaasi oo ku yaalla deegaanka Fiidow oo dhaca xadka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ku sugnaa dadweyne iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Maxkamad hoostagta Al-Shabaab ayaa sheegtay in marxuumka uu qirtay dhammaan dambiyadii lagu soo eedeeyay, kadibna lagu fuliyey xukun dil toogasho ah.

Sida ay ogaatay warbaahinta guddoomiyaha la toogtay ayaa deegaanka Fiidow bil ka hor u tegay, si uu ugu marqaati furo dad u garsoor doontay Al-Shabaab.

Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in intii ay socotay dooda u dhexeysa dadkaasi ay maxkamadda gudaha u soo galeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, oo hubeysan, kadibna ay kala baxeen marxuumka oo ay ugu dambeyn shalay toogteen.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka HirShablle iyo kan degmada Jowhar oo ku aadan toogashada masuulkaasi

Al-Shabaab ayaa xukuno badan dil ka fuliya deegaanada ay ka taliso ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *