Wararkii ugu dambeeyay khasaaro ka dhashay madaafiic ku dhacday xerada Xalane

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Hoobiyeyaal maanta kusoo dhacay gudaha xerada Xalane  ee Muqdisho oo wakiilada Beesha Caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah xarun u ah.

Ku dhawaad 6 Hoobiye ayaa kusoo dhacay goobo kala duwan oo ka mid ah xarunta Xalane sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Inta la xaqiijiyay Todobo Qof oo Sadex kamid ah ay yihiin Askarta Ciidamada Amisom Laba kalana ay ahaayeen Shaqaale ka shaqeynayay Dhismaha iyo Hal Qof oo kamid ah Shaqalaha Beesha Caalamka ayaa ku dhaawacmay Hoobiyeyaasha.

Xarunta Ciidanka AMISOM ee Xalane ayaa ah goob ay degan yihiin xubnaha beesha Caalamka, waxaana sidaan oo kale dhowr jeer lagu qaaday weeraro Khasaare geystay.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *