Banaabax looga soo horjeedo Booliska oo ka dhacay Jowhar

Qaar kamid ah Shacabka ku nool Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle ayaa goordhow waxaa ay Magaaladaasi ka bilaabeen banaanbax ka dhan ah Ciidamada Booliska hir-Shabelle ee ka howlgalla Magaalada Jowhar.

Banaabaxa ayaa looga soo horjeeda Howlgallo ay saaka Ciidamada Booliska ka sameeyeen xaafado ka tirsan Magaaladaas,isla markaan ay kusoo qab qabteen dad kor u dhaafaya ilaa 100 Ruux, kuwaas oo dhalinyaro u badan.

Dhalinyaradaan ayaa loo soo qab qabtay Qaraxii Bambo ee lagu dilay Guddoomiye kuxigeenkii Amniga Gobolka Shabellaha dhexe Muxumed Dugaal iyo Wiilkiisa,xilli bamka lagu weeraray Gurigooda oo ku yaalla xaafada Hanti-Wadaag.

Dadka ay ka xeran yihiin Ehaladooda iyo carururtooda ayaa muujinaya Bananbaxyo ay kaga soo horjeedaan dadka ay Ciiidamada Booliska Hir-Shabelle xireen,waxaana wararka aan heleyno ay sheegayaan in Ciidamada ay dadka banaanbaxayaasha ah ay ku ridayaan rasaas farabadan.

Muqdisho-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.