Muqdisho oo maanta si weyn looga xusayo Qaraxii Soobe Labo sano kadib

Maanta oo Isniin ah Taariikhda maadigana ay ku beegantahay 14-ka bisha tobanaad ee OCtober ayaa waxaa mudo laba sano aha ka soo wareegtay mashaqadii lagu hoobtay ee ka dhacday Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa loo adeegsaday gaari xamuul ah oo si xad dhaaf ah loo soo raray ayaa ku qarxay wadada mashquulka badan ee Zoobe, waxaana ku dhintay boqolaal ruux oo qaarkood la waayay Hilbahooda.

Arintaan ayaa murug iyo oofwareen ku noqotay bulshada soomaaliyeed ee ku sugan dal iyo Dibad.

Dadka ku dhintay ayaa waxaa ka mid ahaa kuwo danyar ah oo ah dadka loo yaqaan garab xamaalada ee ku nool xeryaha barakacayaasha Muqdisho.

Inkastoo bulshada soomaaliyeed ee ku nool dal iyo dibadba ay sameeyeen gurmadyo caalami ah laguna guuleestay in la caawiyo dadkii ku waxyeeloobay qaraxaan ayaa hadane labo sano kadib waxaa jira caruur badan oo saameyn dhanka nolosha ah uu ku yeeshay Qaraxaan.

Culimada madaxda dowlada hogaamiyeyaasha maamul goboleedyada iyo ururada bulshada ayaa canbaareeyay falkaan waxashnimada leh, balse ma jirto tan iyo waqtigaas ficil toos ah oo loo qaaday ka hortagga kooxaha Argagixisada.

Muqdisho-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.