Wariye Ismaaciil Khaliifa: Wasaaradda Warfaafinta Albaabada bey iga xiratay markaan dhaawacmay

Wariye Ismaaaciil Sheekh Khaliifa oo kamid ah wariyeyasha Soomaaliyeed ee marxaladihii adkaa dalka ka soo shaqeeyay dhowr warbaahin oo isugu jira TV iyo Idaacada ayaa dhaliilay madaxda wasaaradda Warfaafinta.

Wariyaha oo ku dhaawacmay 4-tii December 2018 qarax loogu xiray gaarigiisa oo dhaawac culus ka soo gaaray dhabarka islamarkana dhiig badan uu ku baxay ayaa waxa uu sheegay in wasaaradda Warfaafinta aysan waxba u qaban markii uu caafimad qabayna la shaqeyn jireen, islamarkana u uu wariyaha Ismaaciil isla qabteen barnamiyo howlo ay wadatay wasaaradda.

Ismaaciil ayaa si gaar ah u dhaliilay agaasimaha wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cada iyo Wasiirka Warfaafinta Cabdi Xayir Maareeye.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sidan u qornaa” Waagii aan caafimaadka qabay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya saaxiib ayay ila ahayd sida masawirka ka muuqda lkn wixii ka dambeeyay markii gaariga qaraxa la iigu xiray oo aan dhaawacmay 4 December 2018 ilaa hadda mas’uuliyiinta ugu sarreysa ee wasaaradda sida wasiir Maareeye iyo agaasime Al Cadaala albaabbada ayay iga xirteen”

Ismaaciil ayaa hadda ku sugan dalka Turkiga waxana lagu dabiibayaa Isbitaal ku yaalo Istanbul, waxaana uu gacan ka helay saaxiibadiis iyo hay’adaha saxaafadeed ee dalka kajira sida Ururka Isutaga Suxufiinta Soomaaliyeed ee FESOJ oo madax ka yahay Maxamed Ibraamim Macalimow.

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *