Koox hubeysan oo baxsatay kadib Saddex qof  oo Muqdisho ay ku dileen

Koox hubeysan ayaa xalay waxaa ay sedex qof ku dileen degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

Dilka ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay nawaaaxiga  Baar ha i dhaafin, oo ka tirsan degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

Ragga dilka loo geystay ayaa la sheegay in ay wateen Mootada yaqaano Fekon, iyagoona durbadiiba goobta ka baxsaday, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in sedexda qof ee la dilay ay ahaayeen shacabka, halka wararka kale ay sheegayaan in ay ahaayeen askar ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ciidamada amaanka ayaa xalay baaritaano ka sameeyay goobta uu dilka ka dhacay.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amaanka ee dowladda Soomaaliya.

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.