Shaqada Xukuumadda Kheyre oo ku soo koobantay deyn cafin iyo fadhi ku dirir

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo heysta Gole wasiiro uu isaga magacowday ayaa dalkii ka dhigay micno beel iyadoo siyaasadii dowladana uu jahawareeriyay.

Kheyre iyo wasiirkiisa Maaliyadda ayaa had iyo jeer u dhuun duleel kana hadlaya arrimaha deynta Soomaaliya oo xiligan la joogo aan laga cafin karin dalka.

Shirar kala duwan ayey ka qeyb gashay dowladda, waxeyna dowlad walba iyo hay’ad walba la wadaagtaa arrimaha deyn cafinta oo u muuqata mid xitaa 10 sano aan lagu cafin karin.

Arrimo ka muhiimsan deyn cafinta oo bulshada u oomantahay ayaa buuxa kuwaa oo lagu heli karo deeqo iyo lacag lagu maalgeliyo.

Waxaa muuqata in xukuumadda iska indho tirtay wax walbo  oo dalka muhiimad gaar ah ulah sida amniga  iyo dib udhsiak.

Dowladda waxaa muhiim ah iney diiradda saarto doorashooyinka soo socda qaabka loo qabanayo iyo sida loo wajihi doono, sidoo dagaalka Al shabaab oo fadhiid ah, mana jirto deegaano waa weyn oo lala wareegay tan iyo markii Farmaajo yimid.

Sidoo kale dowladda ayaa waqti ku bixisa iney caburiso siyaasiyiinta aragti ahaan ka soo horjeeda iyadoo dooneysa inaan la dhaliilin oo laga aamuso.

Waqtiga ugu badan xukuumadda Soomaaliya waxey galisaa baraha bulshada iyo buunbuunita muuqaalo ama sawiro aam macno laheyn xili Badda dalkeena laga murugeysanyahay.

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.