Xildhibaanada Golaha Shacabka oo cod u qaaday xubin lagu daray Guddiga D.Q

Kulankii maanta oo uu shir guddominaayay guddomiye ku xigeenka kowaad ee golaha shacabka Cabduweli Ibrahim Muudey ayaa ugu horeyn cod loogu qaaday xubin magacaaban oo ka mid noqonaya guddiga madax banaan ee doorashoyinka qaranka.

kulanka ayaa waxaa soo xaadiray 143 mudane , waxaana lagu meelmariyay kadib cod loo qaaday in Aadan Cabdinaasir Maxamed uu ka mid noqdo guddiga madaxbanaan ee doorashooyinka Qaranka.

 Dhamaan Xildhibaanadii soo xaadiray kulanka ayaa cod rabitaan ah ku meel mariyay xubintii ka banaaneed guddiga doorashooyinka Qaranka uu buuxiyo Aadan Cabdinaasir Maxamed.

Intaa kadib Xildhibanada ayaa u gudbay akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Dakhliga, sidoo kalana waxaa horyaala dib ugu noqoshada akhrinta miisanaiyadda dowladda ee sanadkaan 2019-ka, iyadoo xildhibaanada loo qeybiyay Axdiga ilaalinta Hanti-dhaqameedka xilliyada colaadaha.

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.