Fahamka Federaalka iyo Qabiilaynta xuduudaha gobaladu xal ma noo yihiin?

In badan ayaan ka maqalnaa Siyaasiyiin ku doodaya Federaalka ayaa xal u ah Khilaafka Gobalada iyo Qabiilada Somaaliyeed?

Qormadaan waxaan ku eegeynaa Khilaafka Xuduuduha Dawlad-Gobaleedyada, Qabaa’ilka wada dega iyo Federaalka?

Iyada oo laga amba qaadayo Dastuurka Federaalka ayaa 5 Sano ka hor la Magacaabay Guddiga Xuduudaha Dawlad Gobaleedyada iyo Federaalka welina sooma saarin Soohdimaha Xuduudaha Dawlad-Gobaleedyada Dalka?

5 bilood ka hor ayuu M. Axmed Madoobe oo ka taliya hal Magaalo Magacaabay Guddi loogu magac daray: Guddiga Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland iyada oo lala yaabay (Xuduudaha) ayey natiijadii noqotay Xuduud u dhaxeysa deegaanada Seeraar iyo A. Madoobe ee Magaalada Kismaayo!

Haddii aan eegno natiijada Xuduudaha Dawladaha Federaalka ee Somaaliya waxaa kuu soo baxaya in ay ku dhisanyihiin Deegaanno Qabiil iyo sheegasho haybeed ee aaney ku dhisneyn deegaan Jogoraafi, mid Maamul iyo mid Khayraad, taas oo dhalisay Muran joogta ah, kala korid Gobalada iyo Dib u dhac horumarka Gobalada qaarkood Sida;

  1. Somaliland iyo Puntland iyo Khilaafka Xuduudaha Gobalada Sool iyo Sanaag oo dhaqaalihii ku bixi lahaa horumarka iyo xasiloonida loo weeciyey khilaaf abuur iyo dagaal taas oo keentay dib u dhac 20 sano ah!
  2. Puntland iyo Galmudug iyo Xuduuda kala qeybisa Magaalada Gaalkacyo iyo kala korideeda labada dhinac iyo khilaafka soo noqnoqda mar walba!
  3. Galmudug iyo Hirshabelle iyo Xuduuda Degmada Matabaan oo ay wada degaan laba Beelood oo ka kala tirsan labada Maamul, Xalna aan weli loo keenin!
  4. Hirshabelle oo isku haysata Hiiraan iyo Shabeelada dhexe iyo Benadir oo ku haysata Deegaanada Ceel Cifriid, Ceel Macaan iyo Cisaley welina aan xal loo hayn!
  5. Benadir iyo Koofur galbeed oo isku haysta Deeganada Ceelasha Biyaha iyo Jazeera!
  6. Koofur galbeed iyo Jubbalan oo isku haysta 6 Gobal iyo 3 Gobal, welina aan loo haynin xal lagu kala saaro!

Hadaba waxaa is weydiin mudan;

  1. Federaalku xal miyuu u keenay wadajirkii iyo wada noolaashihii Gobalada iyo Beelaha Somaaliyeed mise Khilaaf iyo dagaalo hor leh ayuu soo kordhiyey?
  2. Federaalku miyuu xoojiyey wada socodkii iyo wada horumarkii Gobalada? Mise wuxuu sababay kala korid iyo kala horumarid?
  3. Federaalku xal ma u yahay Xuduudihii Isticmaarku u sameeyey Beelaha Somaaliyeed? Mise wuxuu sii kordhiyey Khilaafkii Xuduudihii Isticmaarku u dhigay?
  4. Ma loo baahanyahay in dib loo eego Federaalka iyo Xuduudaha Gobalada?

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.