Turkiga oo noqonaya dowladii ugu horeysay ee gargaar Bini’aadanimou gaarsiisa shacabka Fataahadda saameysay

Dowladda Turkiga aya noqotay dowladdii ugu horreysan ee ka soo jawaabta baaqii Madaxweynaha Soomaaliya , Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo  ee gurmadka loo fidinayo dadlka ay sameeyeen fatahaadaha xoogan ee ka jira qeybo badan ioo ka mid ah Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa qoraal ka soo baxay waxa ay uga  hadashay saameynta ka dhalatay fatahaadaha wabiyada Shabelle iyo Jubbada, kuwaas oo ay ku barakaceen dad badan oo Soomaaliyeed.

Warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in ugu horreyn ay ka tacsiyeyneyso dhimashada ka dhalatay fahadahaasi,islamarkaana ay aad uga xuntahay dhibaatadaasi.

Sidoo kale waxa ay wasaaradddi sheegtay inay ka qeyb qaadaneyso gurmadka xoogan ee loo fidinayo dadka barakacayaasha ee ku dhibaateusan magaalooyinka ay ka mid ah degmada Beleweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Turkiga ayaa ka mid ah dalalka saaxibada dhow la ah Soomaaliya, wuxuuna ka taageeraada dhinacyo kala duwan oo ay ugu horreyso dhismaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo Turkiga lagu xasuustaa gurmadkii uu dadka Soomaaliyeed u fidiyey sanadkii 2011-kii, xilligaas oo ay Soomaaliya ka jirtay abaar xoogan oo saameysay dadka iyo duunyada.

Hadalkan wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo haatan xaaladdii ugu darneyd ee fataahadda ay ka taagan tahay deegaano badan oo ka tirsan maamul goboleedka HirShabelle.

Contact us: Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *